Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Arday Soomaali ah oo ka Guuleystay Arday Yemeniyiin ah


Arday Soomaali ah oo ka Guuleystay Arday Yemeniyiin ah
Arday Soomaali ah oo ka Guuleystay Arday Yemeniyiin ah

Arday Soomaali ah oo ku sugan Yemen ayaa tartan Luqadda carabiga ah kaga guuleystay arday u dhalatay dalka Yemen.

Arday Soomaali ah oo ku nool dalka Yemen waxna ka barta halkaasi ayaa xalay kaga guuleystay arday kale oo u dhalatay dalka Yemeniyiin kaddib markii uu dhexmaray tartan aqooneed la xiriira dhinaca luqadda Carabiga.

Tartankan ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Sanca. Dadkii ka soo qeybgalay tartankaasi ayaa la fajacay natiijadii ka soo baxday tartankaasi waxayna la yaabeen in arday Soomaali ah oo aan u dhalan luqadda carabiga ay ka badiyaan arday carabiga ku dhashay.

XS
SM
MD
LG