Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Arday Ka Qalin Jebisay J/Banaadir


Arday jaamacadeed
Arday jaamacadeed

Waa xafladdii ugu horreysay ee Jaamacadda Banaadir ay qabato tan iyo 3-dii December ee 2009, oo xaflad dhacday uu ka dhacay qarax dilay arday badan.

Jaamacadda Banaadir ayaa markii ugu horreysay tan iyo 3-dii December ee sanadkii 2009 qabatay xaflad qalin jebin oo shahaado lagu guddoonsiinayo arday dhammeysatay waxabarashada jaamacadda.

Xafladii dhacday Sadddexdii Decemeber ee 2009, ayaa waxaa ka dhacay qarax xooggan oo arday badan, aqoonyahanno, waalidiin iyo xubno ka tirsanaa dowladdii KMG ahayd lagu dilay.

Xafladdii uu qabtay maamulka Jaamacadda Banaadir ayaa waxaa maanta ku qalin jebiyey arday 400 ku dhaw oo dhaqaatiir u badan, waxaana kasoo qeyb galay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaanno, wasiirro iyo madax kale.

Xafladda kadib ayaan weriyaha VOA Jacfar Kuukaay waxa uu ay wareystay guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Cabdirisaaq Sheekh Axmed Dalmar.

Qalin Jebinta Jaamacadda Banaadir
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:34 0:00

XS
SM
MD
LG