Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Arday ka Qalinjebisay Jaamacadda Hargeysa


Arday ka Qalinjebisay Jaamacadda Hargeysa
Arday ka Qalinjebisay Jaamacadda Hargeysa

Arday gaadhaysa 353 arday ayaa ka qalinjabiyay jaamacadda Hargeysa. Madaxweyne Siilaanyo ayaa xafladda qalijabinta ka qeybgalay.

Daawo Sawirrada Xafladda Qalinjebinta

Lix kuliyadood oo ka tirsan jaamacadda magaalada Hargeysa ayaa maanta waxaa ka qalin jabiyay arday gaadhaysa 353, kuwaasoo dhamaystay waxbarashadoodii jaamacadeed.

Ardayda jaamacaddan ka qalinjebisay ee maanta la guddoonsiiyay shahaadooyinka waxaa ka mid ah Guddoomiyaha gollaha Baarlamaanka Somaliland C/raxmaan Ciro, G/ku-xigeenkiisa C/casiis Samaale, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muse Biixi, C/raxmaan Aw-Cali oo ahaa madaxweyne kuxigeenkii Somaliland iyo waliba madax kale.

Xafladii qalinjabinta waxaaa ka qeyb madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, madax ka tirsan xukuumadda Somaliland, waalidiin, maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Hargeysa iyo waliba dadweyne aad u fara badan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa qaar ka tirsan arday qalinjabisay guddoonsiiyay shahaadooyin.

G/kuxigeenka Jaamacadda Hargeysa Mubaarak Aar oo xafladaasi ka hadlay ayaa madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadda ugu baaqay in ardayda faraha badan ee jaamacadda ka qalinjabiyay la siiyo shaqooyin oo ay xukuumaddu ka shaqaaleysiiyo hay'addaha kale duwan ee dowladda.

XS
SM
MD
LG