Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aragtida Beesha Caalamka ee Siyaasadda Soomaaliya.


Aragtida Beesha Caalamka ee Siyaasadda Soomaaliya.
Aragtida Beesha Caalamka ee Siyaasadda Soomaaliya.

Aqoonyahannada Soomaaliyeed qaarkood waxay aaminsan yihiin in beesha caalamku ay ku kala aragti duwan tahay xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa wadda dadaal ay cadaadis ku saarayaan hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya si horumar ay u sameeyaan xilliga ka haray wakhtiga kala guurka.

Haddaba waxay isweydiintu tahay beesha caalamku aragti mideysan ma ka leedahay xaaladaha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya? Cabdi Siciid Muuse Cali oo ah cilmi baare Soomaali ah oo madaxbannaan ayaa VOA-da u sheegay in beesha caalamku ay wajiyo badan oo kala duwan ku wajahaan xaaladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay kala aragti duwan yihiin Maraykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD, oo mid kastaaba uu aragti gaar ah ka eego.

XS
SM
MD
LG