Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Seminar ku soo Xirmay Washington


Seminar ku soo Xirmay Washington
Seminar ku soo Xirmay Washington

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalal ka tirsan Yurub ayaa shalay aqoon isweydaarsi ugu soo xirmay magaaladan Washington.

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka kala timid dalal ka tirsan Yurub ayaa shalay gelinkii dambe magaaladan Washington ugu soo gabagaboobay aqoon isweydaarsi ku saabsanaa is dhexgalka, kaasoo ay soo qaban qaabiyeen dalalka Denmark, Finland, Norway, iyo Sweden.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka qeybgashay aqoon isweydaarsigaas waxay tiradoodu ay ahayd 10.

Siciido Goobdoon iyo Cabdullaahi Maxamed Calas oo nagu soo booqday daarta Kohen oo ay VOA-du ku taallo ee magaalada Washington, waxayna sheegeen in aqoon isweydaarsiga ay ka barteen inuu kala duwanaansho weyn uu u dhaxeeyo habka is dhexgalka bulshada Soomaalida ee Scandinavian-ka iyo kuwa dalkan Maraykanka.

Waxay sheegeen in ay dareemeen in Maraykanka uu ka hormarsan yahay.

XS
SM
MD
LG