Isku xirrada

War

Amuuraha Islaamka: Niqaabka iyo France


Amuuraha Islaamka: Niqaabka iyo France

Amuuraha Islaamka: Niqaabka iyo France

Amuuraha Islaamka waxaan ku falanqeynaynaa barlamaanka Faransiiska oo ka dooday niqaabka dumarka Muslimiintu xirtaan

Baarlamaanka Faransiiska ayaa toddobaadkan aad ugu dhawaaday inuu meel-mariyo mooshin ka mamnuucaya dumarka Muslimiinta ah inay xirtaan niqaabka, ama indha-shareerka qariya wajigooda. Laakiin hindisahan ayaa si weyn uga careysiiyey qaar ka mid ah Muslimiinta Faransiiska, iyo hey’adaha u dooda xuquuqda shakhsiga.

Faransiiska waxaa ku dhaqan in ka badan shan million oo qof oo Muslimiin ah, tiradaas oo Faransiiska ka dhigeysa dalka ugu Muslimiinta badan qaaradda Yurub. Guddi uu baarlamaanka dalkaas u xilsaaray inuu ka talo-bixiyo niqaabka, ayaa toddobaadkan soo gudbiyey warbixin 644-bog ka kooban, oo si weyn looga dhur-sugayey, taas oo usoo jeedineysa golaha baarlamaanka dalkaas inuu indha-shareerka ka mamnuuco goobaha waxbarashada, isbitaallada iyo gaadiidka dadweynaha.

Andre Gerin, waa mudanaha hoggaaminayay guddiga soo jeediyey talooyinkaas.

Wuxuu yiri: “Waxa ku hoos-qarsoon niqaabka waa fadeexado baahay, oo ay kamid yihiin mintidnimo diineed oo waliba ka hor’imaaneysa mabaadii’da cilmaaniga ah ee Faransiiska.”

Xirashada Niqaabka

Laakiin guddiga baarlamaaniga ah sooma jeedin in meel walba laga mamnuuco xirashada niqaabka, maxaa yeelay waxaa tallaabadaas kahor yimid hey’daha u dooda xuquuqda shakhsiga ah, booliiska iyo hoggaamiyayaasha Muslimiinta. Laakiin sababta ugu weyn ee uu guddigu uga gaabsaday tallaabadan, ayaa waxaa loo aaneynayaa cadaadis uga yimid ganacsatada caasimadda Paris, kuwaas oo si weyn ugu tiirsan shakhsiyaad hodan ah oo Khaliijka kasoo dukaameysi taga, oo cabbaayadohooda iyo niqaabkooda hoostiisa ku sita lacag xad-dhaaf ah.

Booliiska ayaa iyana dhankooda ku dooday in tirada guud ee haweenka Muslimiinta ah ee xirta niqaabka ee ku nool Faransiiska aaney xitaa gaareyn laba kun, sidaas darteed-na aan loo baahneyn in middiyo loo afeysto cadow dhalanteed ah. Waxaase sheegid mudan in xitaa Muslimiinta Faransiisku ay arrintan ku kala qeybsameen, sida ay ii sheegtay Qamar Sharif Hashim, oo ah suxufi muddo dheer ku nooleyd Paris.

Kala Aragti

Culimada Islaamka ee taageersan mamnuucidda niqaabka, waxay ku doodayaan in, inkastoo ay gabdhaha Muslimiintu xaq u leeyihiin inay xirtaan niqaab haddii ay sidaas diin u arkaan, in haddana uusan niqaabku dhab ahaan kusoo aroorin kitaabka & Sunnada. Fikraddaas culimada qabta waxaa kamid ah Dr. Faarax Sh. Max’ed, oo ah hormuudka Machadka Yurub ee Daraasaadka Insaaniga ah ee fadhigiisu yahay London.

Dr. Faarax wuxuu intaas ku daray in niqaabku uu caqabad ku yahay wadahadalka iyo xiriirka aasaasiga ah, taas oo buu yiri kasoo horjeedda diinta Islaamka.

Dabinta Sarkozy

Gabdhaha diiddan in wajigooda oo mutaxan ay dhex mushaaxaan bulshada, ayaa beegsigooda u arka dabin uu si hoose u dhigayo madaxweyne Nicolas Sarkozy-ga Faransiiska, oo aan la gabban diidmadiisa ka dhanka ah niqaabka. Sarkozy wuxuu diidmadiisa usoo daliishadaa mabaadi’ida cilmaaniga ah ee ku cad dastuurka dalka Faransiiska.

Ha yeeshee, diidmadiisa waxaa ku weheliya Sheekha jaamacadda weyn ee al-Azhar, Dr. Max’ed Sayid Dandawi. Dabayaaqadii sanadkii hore ayuu sheegay in indha-shareerku uu yahay dhaqan ku gaar ah Khaliijka, uuna caqabad ku yahay fahamka dhabta ah ee Diinta Islaamka, hadalkaas oo volcano siyaasadeed ka qarxiyey dalka Masar.

Baarlamaanka Faransiiska ayaa la filayaa inuu go’aan kama dambeys ah ka qaato booska uu niqaabku ku yeelan doono bulshada.

XS
SM
MD
LG