Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amuuraha Islaamka: Muran ka dhashay Kulan Kaniisad Ka Dhacay


Amuuraha Islaamka: Muran ka dhashay Kulan Kaniisad Ka Dhacay
Amuuraha Islaamka: Muran ka dhashay Kulan Kaniisad Ka Dhacay

Kulanka ka dhacay gudaha Kaniisad ku taalla magaalada Minneapolis ayaa waxaa isugu yimid hogaamiyeyaal diimo kala duwan.

Waxaa dood culus ay ka dhalatay kulan ka dhacay gudaha kaniisad ku taalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnisota ee dalkan Maraykanka. Kulankaasi waxaa isugu yimid hogaamiyeyaasha diimaha kala duwan qaarkood oo ay ka mid yihiin Islaam, Yuhuud, Buudi iyo Masiixi.

Bogagga Soomaalida qaarkood ayaa soo bandhigay sawiro laga soo qaaday kulankaasi oo muujinayay culimo Soomaaliyeed oo kaniisadda gudeheed akhrineysa waraaqo ay la sheegay inay ku qornaayeen (Prayer) oo leh labo micno, sida Duco iyo Tukasho.

Si kastaba ha ahaatee culimada qaarkood ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid ka baxsan shareecada Islaamka, halka kuwo kalena ay arrintaasi difaacayeen.

Barnaamijka Amuuraha Islaamka ayaa arrintaasi ku saabsan. Waxaa inoo soo diyaariyay Maxamed Cabdi Sandheere.

XS
SM
MD
LG