Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amuuraha Islaamka: Guusha Wilders


Amuuraha Islaamka: Guusha Wilders
Amuuraha Islaamka: Guusha Wilders

Muslimiinta dalka Holland ayaa walaac weyn ka muujiyey guusha uu gaaray xisbiga midigta fog ee Freedom Party, ee uu hoggaamiyo siyaasiga mayalka adag ee Geer Wilders.

Arbacadii lasoo dhaafay, codbixiyayaasha dalka Holland ayaa guul lagu tashan karo u xaqiijiyey siyaasiga xag-jirka ah ee dalkaas u dhashay ee la yiraahdo Geer Wilders, kaas oo kusoo caan-baxay naceybka uu u qabo guud ahaan qaxootiga, gaar ahaan Muslimiinta ku batay dalka Netherlands.

Xisbiga Freedom Party ee uu hoggaamiyo Geert Wilders, ayaa helay 23 kursi oo kamid ah golaha baarlamaanka dalka Holland, isagoo noqday xisbiga saddexaad ee ugu kuraasta badan baarlamaanka, isla markaana noqon doona xisbi wax kasoo dhisa xukuumad wadaag ah oo ay yeelato boqortooyada Holland.

Wilders lama gabbado naceybka uu u qabo Diinta Islaamka. Wuxuu hore warbaahinta ugu sheegay inuusan nacbeyn Muslimiinta, balse uu aad u neceb yahay diintooda Islaamka. Wuxuu aflagaaddeeyey kitaabka Qur’aanka ah, iyo nabi Muxammad, NNKH. Wuxuu xisbigiisu u ololeeyaa in la joojiyo Muslimiinta kusoo qaxeysa dalka Holland.

Geert Wilders waxya jaal-yihiin Ayaan Xirsi Cali, oo iyana mehered ka dhigatay cambaareynta diinta Islaamka iyo Muslimiinta. Wuxuu sameeyey film uu ku summaday “Fitno,” kaas oo ka careysiiyey malaayiin Muslimiin ah. Afkaartiisa naceybka xambaarsan, waxay markii dambe ka dagi weyday dowladda Ingiriiska, oo ka mamnuucday inuu dalkeeda soo galo, inkastoo amarkaas markii dambe ay maxkamadi diidday. Laakiin waxaa wali ku socota dacwad uu kusoo oogay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Holland, taas oo ku eedeysay inuu isir-naceyb faafinayo.

Si kastaba ha ahaatee, sidee bay Muslimiinta dalka Holland u arkaan doorashadiisa? Su’aashaas waxaan hordhigay Eng. Max’ed Cali Cibaar, oo ah qoraa Soomaaliyeed oo muddo dheer ku noolaa dalka Holland.

XS
SM
MD
LG