Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amuuraha Islaamka: Malaysia iyo Guursashada Xaasaska badan


Barlamaanka Malaysia ayaa soo saaray xeer ku amraya ragga guursanaya xaasas badan inay fasax ka soo qaataan xaaskooda koowaad.

Barnaamijka Amuuraha Islaamka, waxaan toddobaadkan ku eegeynaa xeer uu soo saaray baarlamaanka dalka Malaysia, kaas oo ragga doonaya inay xaasas fara badan yeeshaan ku sandulleynaya inay marka hore fasax ama oggolaansho kasoo helaan xaaskooda koobaad, isla markaana ay oggolaansho kale ka helaan maxkamad qiimeyn ku sameysa inuu ninku awoodo inuu dhowr xaasle noqdo.

Malaysia waxay caan ku tahay wax-soo-saarkeeda xagga warshadaha iyo hormarkeeda dhaqaale, marka loo fiiriyo caalamka Islaamka intiisa kale. Laakiin sanadihii ugu dambeeyey, waxay kaloo noqotay warshad ku caan-baxday soo saaridda xeerar-diimeedyo shanqartooda laga maqlo caalamka Islaamka intiisa kale.

Laba sano kahor ayay aheyd markii uu nin u dhashay Malaysia uu doonay inuu xaaskiisa ku furo farriin qoraal ah oo uu ugu diray taleefonkeeda gacanta. Garsoore ayaase ka diiday inuu ninkaas SMS xaaskiisii ku furo.

Toddobaadyadii ugu dambeeyey, waxaa Malaysia muran-diimeed xooggan ka dhaliyey xeer ku khasbaya ragga doonaya inay dhowr xaas yeeshaan, inay guurka labaad, saddexaad & afaraad kahor ay oggolaansho kasoo qaataan xaaskooda koobaad.

Intaas waxaa ragga xaasas-badanayaasha ah loogu daray, in, marka ay doonayaan inay xaasaska badsadaan, ay arji ama codsi u qortaan maxkamad si gaar ah loogu dhisay u kuur-galidda kartida uu codsaduhu u leeyahay inuu say u noqdo xaasas kale.

Labadaas xeer waxaa si weyn usoo dhaweeyey guud ahaan dumarka caalamka Islaamka, gaar ahaan kuwa dalka Malaysia. Waxaana durba ka billowday waddanka Indonesia, oo ah kan ugu dadka badan caalamka Islaamka, olole la doonayo in sidoo kale loo xakameeyo ragga doonaya inay dhowr gabdhood u dhaxaan.

Arrintaas waxaan ka wareystay Dr. Xirsi Max’ed Hilowle, oo daraasaadka Islaamka ka dhiga jaamacadda Islaamiga ah ee caalamiga ah ee dalka Malaysia.

Inkastoo haddaba aaney shardi aheyn in ninka Muslimka ah uu oggolaansho kasoo helo xaaskiisa koobaad, si uu mid labaad u guursado, haddana Dr. Xirsi Max’ed Hilowle wuxuu leeyahay waa arrin habboon, oo sii xoojineysa xiriirka qoyska Muslimka ah, loogana waaban karo burbur ku yimaadda qoyskaas.

Laakiin Dr. Hilowle wuxuu soo dhaweynayaa oggolaanshaha labaad ee ah in maxkamad Islaami ah ay qiimeyn ku sameyso kartida dhaqaale, midda bulsho iyo waliba midda ragannimo ee uu ninka doonaya inuu dumar badan lamaaneeyo uu u leeyahay guurka uu u hammuunka qabo.

Khabiir ku takhasusay dhaqaalaha qoyska, oo arrintan uga faalloonayay wargeyska The New York Times toddobaadkii tagay, ayaa sheegay in sababta ay Malaysia uga dhaqaalo fiican tahay inta badan kontomeeyada dale ee ay Muslimiintu ku badan yihiin, inay tahay iyadoo xakameysay guurka labaad ee aan itaalka loo heyn ee ku badan caalamka Islaamka intiisa kale, gaar ahaan dalalka saboolka ah, sida Somalia.

Diinta Islaamku si qoto-dheer ayay uga hadashay arrimaha guurka. Culimadu taageersan in la xakameeyo guurka badan, waxay soo daliishadaan aayadda 128-aad ee suuradda uu Alle ugu magac daray dumarka, Surat Al-Nisa’a.

Dr. Xirsi Max’ed Hilowle, ayaa sharraxaya sida ay maxkamadda gaarka ah ee ay Malaysia u sameysay qiimeynta kartida ninka guur-doonka ah, ay si qoto-dheer ugu kuur-gasho itaalkiisa dhaqaale.

Waxyaabahaas badan ee isku xirxiran waxaa kamid ah in maxkamaddu ay sidoo kale qiimeyn ku sameyso xaaladda maskaxeed ee ninka guur-doonka ah, iyadoo la hubinayo inuu dhimirkiisu taabbo gashan yahay, iyo inuusan doonitaankiisu ku saleysneyn dareen laab-la-kac ah oo saan aasaas fiican ku qotomin.

XS
SM
MD
LG