Isku xirrada

Amuuraha Islaamka: Jawaabta Sawir-Gacmeedka


Jawaabtii ay Muslimiintu ka bixiyeen sawir-gacmeedkii laga sameeyey Nabi Muxammad (NNKH), ma heyd mid habboon?

Barnaamijka Amuuraha Islaamka, waxaan toddobaadkan ku eegeynaa jawaabta ay Muslimiinta qaar ka bixiyeen sawir-gacmeed saddex sano kahor laga sameeyey Nabi Muxammad, NNKH, kaas oo ay Muslimiin badani u arkeen mid qadaf ku ah Diinta Islaamka.

Toddobaadkii hore, ayuu 28-jir Soomaali ah oo baangad iyo mindi la burursan, wuxuu ku sigtay inuu dilo farshaxanlihii Danish-ka ahaa ee uu sawirkaas maskaxdiisa kasoo maaxday, ninkaas oo la yiraahdo Kurt Westergaard, oo xillagaas gurigiisa ay la jiiftay gabar shan jir ah oo uu awoowe u yahay.

Farshaxanle Westergaard, oo saddex sano dhuumaaleysi ku jiray, ayaa ku badbaaday qol gabbaad ah oo uu hore uga asteystay aqalkiisa Ninkii Soomaaliga ahaa ee wuxuu-dilo-doonka ahaana, booliiska ayaa laba xabbadood ku dhaawacay, kaddibna xabsiga dhigay.

Falkiisuna wuxuu dib usoo nooleeyey jawaabaha ay Muslimiinta caalamku ka bixiyeen sawir-gacmeedkii laga sameeyey Nabi Muxammad, (NNKH), saddex sano kahor. Sida uu qoray wargeyska The New York Times saddex sano kahor, sawir-gacmeedka, oo ka faa’ideysana xeerarka xorriyatul-qowlka ee Galbeedka, waxaa si daandaansi ah u daabacay wargeys dhanka midig u janjeera oo lagu faafiyo afkaar dureysa Muslimiinta iyo soo gallootiga.

Farshaxanle Westergaard, iyo wargeyska daabacay sawirka ee Jyllands-Posten, waxay u qasdeen inay ka careysiiyaan Muslimiinta, waxaana hubaal ah inay hadafkoodaas gaareen.

Laakiin su’aashu waxay tahay: Muxuu ahaa hadafka Muslimiinta caalamka, markii uu soo baxay sawir-gacmeedkaas? Jawaabtu ma cadda, maxaa yeelay rabshadihii jawaabta u noqday sawir-gacmeedkaas waxaa ku dhintay ugu yaraan 100 qof, oo barkood ay Muslimiinta yihiin. Markaa su’aashu waxay noqotay: sawir-gacmeedkaasi ma mudnaa dhiigga faraha badan ee Muslimiinta uga daatay?

Hamza Yusuf, oo ah caalim Mareykan ah, wuxuu yiri fal-celiskii ay Muslimiintu ka sameeyeen sawir-gacmeedkaas wuxuu ahaa mid aad u xagjira.

Isagoo ka hadlaya dood ay mowduucaas ka sameysay dowladda Qatar, ayuu wuxuu yiri: Ma jirto sabab oggolaan karta in rabshado intaas le’eg ay ka dhacaan dalalka Pakistan iyo Nigeria iyo meelo kale.

Waxaa jiray dalal sida Sucuudiga oo kale ah, oo danjireyaashoodii kala soo laabtay Denmarka, isla markaana qaadacay iibsiga waxyaabaha ay Denmarka soo saarto. Culimadu waxay qabaan in jawaabtaasi ay noqon karto mid dheelli-tiran, oo culeys saartay Denmark.

Laakiin kooxaha doonay inay rabshado ku xalliyaan dhibaatadan, waxay iska dhaadhiciyeen in gefka uu geystay sawir-gacmeedka, ay tahay in xoog lagu muquuniyo sixiddiisa, lana beegsado farshaxanlihii iyo guud ahaan dalka Denmark.

Su’aashu haddaba waxay tahay: maxay diintu taas ka tiri?

Sh. C/raxman Shariif waa imaamka masjidka Darul-Hijra ee Minneapolis ee dalkan Mareykanka.

Sawirka uu farshaxanle Westergaard ka sameeyey Nabi Muxammad wuxuu ahaa mid muujinaya nin garweyn oo koofidiisa ay ka dhex mudan tahay bam qarxi raba. Ujeedadiisu waxay aheyd, inuu Nabiga iyo Diinta Islaamka ku ceebeeyo inay yihiin kuwo rabshad iyo dagaal iyo is-qarxis ku adeegata.

Haddii haddaba ay Muslimiintii rabshad, iyo dagaal iyo xitaa qaraxyo ay uga jawaabeen sawir daandaasi ah, oo sida uu Sh. C/raxman Shariif qabo uu sawiray farshaxanle aan Nabigaba aqoon, Islaamkana neceb, waxay taasi xoojin kartaa aragtidii dagaal u joogga ahaa ee uu rabay inuu Muslimiinta ka bixiyo.

Markii uu sawir-gacmeedkaas gilgilay dunida saddex sano kahor, Reer Galbeedku waxay Muslimiinta u sheegeen in saxaafaddooda ay hore u daabacday sawirro lagu durayo Nabi Ciise, iyo hooyadiis Maryama, oo xitaa gabarnimadeedii lagu jeesjeesay. Cid safaarado gubtay, ama tobaneeyo qof isaga dishayna ma jirin. Waxay kaloo ku doodeen in dalalka Galbeedku ay Muslimiinta u oggolaadeen inay siday doonaan Alle u caabudaan, iyadoo xitaa dalalka Muslimiinta qaarkood, sida Turkiga, aan gabdhaha loo oggoleyn inay iyagoo xijaab hagoogan wax ka bartaan jaamacadaha dalkaas, ama xitaa xafiis siyaasadeed qabtaan.

Si kale haddii loo dhigo, bii’ada Galbeedku waa mid ku saleysan xorriyatul-qowl aan xuduud laheyn, oo oggolaanaya in la is-aflagaaddeeyo, oo la isu gafo, laakiin aan la is dooxin.

XS
SM
MD
LG