Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM: Tirada dhaawaca oo korortay


AMISOM: Tirada dhaawaca oo korortay
AMISOM: Tirada dhaawaca oo korortay

tirada ciidamada AMISOM ee ku dhaawacmay qaraxii shalay ayaa la sheegayaa inay gaartay ilaa 5 askari oo u dhashay Uganda.

Afhayeenka ciidamada difaaca ee Uganda Col. Felix Kulayigye ayaa sheegay in 5 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee AMISOM ay ku dhaawacmeen weerarkii shalay lagu qaaday saldhig ay ku leeyihiin bartamaha Muqdisho.

Af-hayeenkaas ayaa Magaalada Kampala ugu sheegay warbaahinta in ciidamadooda ku sugnaa saldhigaasi ay dileen saddexdii nin ee fulineysay weerarka is-miidaaminta oo uu ku tilmaamay iney ka tursanayeen kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo isku dayayay iney gudaha xeradaasi lasoo galaan gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa.

37 Askari oo ka tirsan ciidamada Amisom ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha Soomaaliya, tan iyo markii ciidamadaasi tageen Muqdisho bishii March ee sanadkii 2007-dii, iyadoo 17 ka mid ahi askartaasina ay u dhasheen dalka Uganda.

XS
SM
MD
LG