Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amisom oo Xaqiijisay Askar Looga Xiray Muqdisho


Howlgalka Midowga Afrika ee Somalia ee Amisom ayaa xaqiijiyey in shan ka mid ah askarteeda axaddii lagu xiray magaalada Muqdisho, ayaga oo lagu tuhmayo inay iibinayeen qaar ka mid ah agabka milatari ee ciidanka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Anisom ayaa lagu sheegay in askartan lagu xiray howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Amisom iyo booliiska Soomaaliya, kadib baaritaan muddo lagu hayey arrintan.

“Amisom waxa ay horey u heshay akhbaar ku saabsan in askartan ay ku lug lahaayeen dhaqdhaqaaqyo sharci darro, baaritaan deg deg ah ayay ku sameysay arrintan, waxayna ayada oo kaashaneysa booliiska Soomaaliya ay si deg deg ah u xireen askartan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxyaabaha skarta lagu qabtay ee ay iibinayeen ayaa waxaa ka mid ah shidaal iyo jawaanno carro ah.

Amisom waxa ay sheegtay inaysan u dulqaadan doonin in shaqaalaheeda ay u dhaqmaan si aan xirfadeysneyn, islamarkaana qof kasta oo lagu helo arrintaas lagu soo oogi doono dacwado.

Hadalka kasoo baxay Amisom ee ah inay qeyb ka ahayd xariga askartan, oo markii hore la sheegay inay xireen ciidamada booliiska Soomaaliya, ayaa burinaya war qoraal ah oo Amisom ay shalay soo dhigtay barteeda twitter-ka oo ahaa inaysan ka warhayn xariga, oo baraha bulshada un ay ku arkeen.

XS
SM
MD
LG