Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM oo Wakhtiga loo Kordhiyay


AMISOM oo Wakhtiga loo Kordhiyay
AMISOM oo Wakhtiga loo Kordhiyay

Qaramada Midoobay ayaa dib u cusbooneysiisay wakhtiga howlgalka ciidamada nabad-ilaalinta ee AMSOM oo la gaarsiiyay ilaa 31-ka bisha October 2012.

Golaha Amniga ee QM ayaa jimchii ugu baaqay dalalka Afrika inay kordhiyaan tirada ciidamada ka jooga Somalia oo imika gaadhaya 9 kun, kana dhigaan 12 kun oo askari.

Hasse yeeshee Golaha Amniga ayaan isku raacin codsi uu u gudbiyay Midowga Afrika oo ahaa inay ogolaadaan qaraar ay ku doonayaan in tiradada ciidamada ee Somaliya ka jooga la gaarsiiyo 20 kun, wuxuuse sheegay goluhu inuu ka fiirsanayo codsigaasi kaddib marka tirada ciidamada la gaarsiiyo 12 kun

Muddo kordhinta ciidamada AMISOM ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dagaal uu ka dhacay meel u dhow xadka Somalia iyo Kenya.

XS
SM
MD
LG