Isku xirrada

War

AMISOM oo Qiratay Rasaas ay ku Fureen Dad Shacab ah


AMISOM oo Qiratay Rasaas ay ku Fureen Dad Shacab ah

AMISOM oo Qiratay Rasaas ay ku Fureen Dad Shacab ah

Taliyaha Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ay xireen askartii ku lug lahayd rasaas shalay lagu furay gaari dad rayid ihi la socdeen.

Taliyaha Ciidamada AMISOM Jeneraal Nathan Mugisha ayaa xaqiijiyay in ciidamadiisu ay rasaas ku fureen gaari shacab ah oo ay ku dhinteen ugu yaraan labo ruux. Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay rasaas ay shalay ciidankiisu ku fureen gaari dad shacab ahi la socdeen, waddo ag marta Airaboorka Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in ay xireen askartii ku lug lahayd dhacdadaasi ayna baaris ku sameeyeen.

Aadan Macalim Cabdullaahi oo ka mid ah dadkii la socday gaariga ay ciidamadu rasaaseeyeen, dhaawac fududna ka soo gaaray ayaa VOA u sheegay in ciidamada AMISOM ay rasaasta ugu fureen gaariga si bareer ah isla markaana aysan jirin cabsi amma khatar ku dhalin kartay inay go'aankaasi gaaraan.

XS
SM
MD
LG