Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM oo Qiratay Dilka Arooskii Marka


Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom (File Photo)
Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom (File Photo)

AMISOM oo qiratay in ciidankeedu ay ka danbeeyeen dilka 7 qof oo rayid ah oo 31-kii bishii hore lagu dilay xaflad aroos oo ka socotay magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.

AMISOM oo qiratay in ciidankeedu ay ka danbeeyeen dilka 7 qof oo rayid ah oo 31-kii bishii hore lagu dilay xaflad aroos oo ka socotay magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.

Wakiilka Midowga Africa ee Somalia Maman Sidokou ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay ka danbeeyeen dhimashada dadkaas oo lagu dilay xaflad aroos oo ka socotay magaalada Marka.

War-saxaafadeed ayaa ku sheegay in uu raali-gelin ka bixinayo dhimashadaasi. 3 ka tirsan ciidamada AMISOM ayuu sheegay in dhacdadan loo xilay oo maxkamad military la soo taagi doono.

“Waxaa dhacay dil, ciidamaadeena ayaana ku lug lahaa, waxaa loo qabtay saddex Askari, waxaana ku socda baaritaan” ayuu yiri.

Amisom ayaa markii uu shilkaasi dhacay waxay markiiba beenisay in ciidankeenu uu dilay dad rayid ah. Hay’adda Human Rights Watch ayaa toddobaadkii hore ugu baaqday AMISOM inay si dhab u baarto dilkaas.

XS
SM
MD
LG