Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM oo ka digtay weerarro ismiidaamin ah


Afhayeenka AMISOM Major Bahuko ayaa sheegay in kooxaha mucaaradku ay qorsheynayaan weeraro lagu qaado goobaha dadweynaha ee Muqdisho.

War-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka AMISOM ayaa walaac ka muujiyey qorsheyaal, ay wadaan xoogagga mucaaradka oo ay ku weerarayaan goobaha dadweynuhu iskugu yimaado.

AMISOM, Waxay sheegtay in kooxaha mucaaradku ay weeraro isqarxin ah doonayaan inay ku bartilmaameedsadaan meelaha dadweynuhu u badan yahay sida masaajidda, suuqayada iyo meelaha ku hareeraysan AMISOM..

AMISOM, waxay si gaar ah u magacday nin lagu magacaabo Muxyadiin Yusuf, oo lagu sheegay inuu fulinayo weerar lala damacsan yahay bartamaha Muqdisho, ninkaasi ayaa loo diyaariyay baabuur Toyota Land Cruiser ah oo qaraxyo ismiidaamin ah ku fuliyo.

AMISOM, waxay sheegtay inay jiraan baabuur kale oo kooxaha mucaaradku ay u diyaariyeen inay weeraro ku fuliyaan, waxaana ka mid ah; Toyota Surf madow, booyad cad oo calaamadda African Union wadata taasoo lagu weerarayo ceelasha biyaha, gaari xamuul oo cad oo isna calaamada African Union wata, labo Toyota Carib oo lagu weerarayo Suuqa Bakaaraha, labo Nissan Diesel oo xamuulka qaada, gaari tikniko ah iyo gaari kale oo Van ah.

AMISOM waxay sheegtay in ay aad uga xuntahay in talaabooyinkan naxariis la’aanta ah lala beegsanayo dadka shicibka ah oo ay dhibaato darani kasoo gaartay weeraradan aan qarsoonayn kuwaasoo aan meelna kasoo galin diinta Islaamka iyo daqanka Soomaaliyeed.

AMISOM waxay Soomaalida ugu baaqday inay ka feejignaadaan baabuurta la tilmaamay isla markaana ay u sheegaan hay’addaha ay khuseyso haddii ay wax arkaan.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG