Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada AMISOM oo Gargaar Qaybiyay


Qalabka ay AMISOM qaybiisay.
Qalabka ay AMISOM qaybiisay.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho ayaa qaar ka mid ah dadka ku naafoobay dagaaladii ugu danbeeyay, u qaybiyay gawaarida dadka naafada ah ay ku socdaan.

Howshan oo ka dhacday xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ururka Haweenka Soomaaliyeed iyo Machadka Waxbarashada Dadka Naafada ah.

Waxaana ka faa'iidaystay oo markii ugu horaysay noloshooda gawaari ay ku socdaan helay dad u badan haween, caruur iyo waayeel.

Munaasabad arrintaasi l oogu talagalay ayaa waxaa ka hadlay, u qaybsanaha Midowga Afrika ee dhinaca howl galada Somalia Wafula Wamunyinyi oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in dadka soomaaliyeed ee naafada ah ay soo gaarsiiyaan kuraastii loogu tala galay, waxana uu sheegay in wixii hada ka danbeeya ay sii wadi doonaan mucaawinooyinka noocan ah ee ay u fidinayaan dadka tabaalaysan ee Soomaalida.

Sidoo kale u qaybsanaha Midowga Afrika ee dhinaca howl galada Somalia Wafula Wamunyinyi ayaa soo hadal qaaday hadalo uu sheegay in ay been abuur iyo boro- bogaando yihiin oo laga fidiyay ciidamada AMISOM

Arrinta uu sida gaarka ah carrabka ugu dhuftay ayaa ahayd hadallo uu ku tilmaamay been abuur taasi oo ah in ciidamada AMISOM ay ku shaqeeyaan talada iyo awaamiirta (Colonel Gabra) oo ah sarkaalka ugu sareeya ciidamadii itoobiyaanka ee horay Muqdisho ugu sugnaa.

Arrintaasi oo uu ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin, waxana taa badalkeeda uu xusay in ay Somalia ay u joogaan sidiii ay nabad uga dhalin lahaayeen isla markaana ay u caawini lahaayeen dadka Soomaalida ee dhibaataysan .

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Caasha Geesdiir
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Caasha Geesdiir

Dhinaca kale waxaa goobtaasi ka hadashay gudoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Caasha Cumar Geesdiir oo iyadu maalmihii ugu danbeeyay dadaal ugu jirtay sidii dadka naafada ahi ay ku heli lahaayeen gawaari ay ku socdaan.

Waaxana ay ugu horayn ka mahad celisay deeqda AMISOM ay u fidiyeen qaybo ka mid ah naafada Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kalana ku amaantay qalliin ay AMISOM u ballan qaadeen in ay ku samaynayaan gabar yar oo 6 jir ah oo ka mid ah dadkii gaari cuuriyaameedka loo qaybiyay oo iyadu maskaxda biyo ka fadhiisteen.

Deeqadan ay ciidamada AMISOM u fidiyeen qaybo ka mid ah dadka naafada ah ee soomaaliyeed ayaa ah tii labaad ee ay AMISOM ku gar gaaraan dadka soomaalida ee dhibaataysan, waxana ay AMISOM horay deeq caynkan oo kala ah u fidiyeen qaybo ka tirsan dadka barakacayaasha ah oo u badan haween iyo caruur kuwaasoo ay ku caawiyeen taakulayn isugu jirta bustayaal iyo bundado ka kooban dharka haweenka iyo kuwa caruurta.

XS
SM
MD
LG