Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amisom oo 'Baareysay Dhacdadii Wardinle'


Fransisco Madeira
Fransisco Madeira

Amisom ayaa sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso dhimashada dad rayid ah oo lagu dilay tuulada Wardinle ee u dhow magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, taasi oo ciidamdeeda lagu eedeeyey.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay heleen warbixinno sirdoon oo ku saabsanaa in maleeshiyada Al-Shabaab ay xaafadda Wardinle ka wadeyn arrimo xagjireyn ah, markii ay halkaas tageenna ay weerar kala kulmeen Al-Shabaab.

Si kastaba Amisom waxa ay sheegtay in illaa hadda aysan caddeyn in dad rayid ah ay ku dhinteen dagaalkii dhex maray ayaga iyo Al-Shabaab, sida warbixinada qaar ay sheegayaan.

“Amisom aad ayay ula qiimo weyn yihiin nolsoha dadka rayidka ah, qof kasta oo shaqaalaheena ka mid ah oo taas dayacanna waxa uu mari doonaa ciqaab adag oo waaqfsan xeerarka dagaalka ee Amisom” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Francisco Madeira.

Madeira waxa uu sheegay in xafiiskiisa iyo hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya ay baarayaan dhacdadan, ayna ka gun gaari doonaan.

Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay 14 qof oo rayid ah, waxaana dadka deegaanka ay ku eedeeyeen ciidamada Ethiopia ee ka tirsan Amisom.

XS
SM
MD
LG