Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Ku Dhintay Rasaas ay Fureen Ciidamada AMISOM


AMISOM Photo / Tobin Jones 1
AMISOM Photo / Tobin Jones 1

Afar qof oo rayid ah oo ay ku jirto gabadh sagaal sano jir ah ayaa ku dhintay rasaas ay fureen ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika duleedka magaalada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellada Hoose sida ay idaacadda VOA u sheegeen ehelada dadkaasi iyo saraakiisha ciidamada dawladda.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay saarnaayeen baabuur u socday dhinaca magaalada Muqdishu saacadihii hore ee Sabtidii kaasi oo ay rasaas huwiyeen ciidamada AMISOM. Mid ka midah ehelada dadkaasi oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa ku eedaysay ciidamada AMISOM inay si ula kac ah u dileen dadkaasi.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada ay si ula kac ah rasaasta ugu fureen dadkaasi, hase yeeshee sarkaal ka tirsan ciidamada dawladda ayaa idaacadda VOA u sheegay inaan la dhihi shilku waxa uu u dhacay si aan ku talagal ahayn. Korneel Xasan Maxamed Abuukar “Xasan Jaamici” oo ay ciidankiisa hawlgal wada samaynayeen kuwa AMISOM ayaa VOA u sheegay inuu la kulmay ehelada dhintay isla markaana uu arkay maydka oo ay ku taalla midkiiba ugu yaraan shan xabbo oo rasaas ah.

Mudaaharaaduo ayaa ka dhacay magaalada Buulo Mareer lagu cambaaraynayo dilkaasi. Korneel Xasan Jaamici waxa uu sheegay inay doonayaan in dadka magaalada is dejiyaan, waxana uu sheegay in lagu heshiiyey in maydka la aaso.

Mas’uul ka tirsan xafiiska xiriirka dadweynaha AMISOM oo aanu la xiririnay ayaa idaacadda VOA u sheegay inay weli ururinayaan xogta ku saabsan dhacdadaas, war saxaafadeedna ay kasoo saari doonaan.

XS
SM
MD
LG