Isku xirrada

War

AMISOM iyo Haweenka Muqdisho oo Kulmay

  • VOA Somali

Kulanka waxaa uu ku saabsanaa sidii haweenka gobolka Banaadir uga qeyb qaadan lahaayeen nabad gelyada iyo wacyigelinta.

Saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo haween ka socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdsiho.

Kulanka labada dhinac oo ka dhacay xarunta tababarka ee Xalane waxaa looga wadahadlay xaaladda nabadgeliyo ee magaalada Muqdisho.

Kulankaasi waxaa ka qeybgalay taliyaha ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, Jeneral Michael Odengo.

Haweenka ayaa intii kulanku socday soo bandhigay filim muujinaa dhibaatooyinka haysta haweenka iyo caruurta ku barakacay dagaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidamada AMISOM ayaa sheegay in uu ka xun yahay dhibaatada shacabku gaartay, hase yeeshee wuxuu ugu baaqay Haweenku inay ka qeyb qaataan wacyigelinta wiilashooda sidii ay rabshadaha u joojin lahaayeen.

XS
SM
MD
LG