Isku xirrada

War

AMISOM iyo DKMG oo Qabsaday Deyniile


AMISOM iyo DKMG oo Qabsaday Deyniile

AMISOM iyo DKMG oo Qabsaday Deyniile

Dagaal xooggan ayaa maanta ka dhacay Muqdisho kaddib markii ciidamada dowladda iyo kuwo AMISOM ay weerar ku qaadeen saaka aroortii degmada Deyniile oo ka mid ahayd xarumaha ugu waaweyn ee ay kooxda al-Shabaab ka lahayd Muqdisho.

Ciidamada dowlada iyo kuwo AMISOM ayaa qabsaday qeybo badan oo ka tirsan degmada Deyniile.

Dagaalkan ayaa dhaliyay khasaarro isugu jira dhimasha iyo dhaawac.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Muqdisho inteeda badan ka baxday bishii August, balse kooxdu waxay Muqdisho ka sii waday weerarro qaraxyo ah oo ka dhan dowladda Somalia,

Dhinaca kale, ciidamada Kenya ayaa wali gudaha ugu sii durkaya dhinaca koonfureed ee dalka Somalia si ay deeggaanadaasi uga safeeyaan kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa sheegay in dalkiisu uu isticmaalayo "Dhamaan tallaaboyinka lama huraanka" si loo hubiyo amniga iyo xasilloonida Kenya, wuxuuna sheegay in howlgalka Militari ee Kenya uu ka dhigan yahay mid lagu ilaalinayo madaxbannaanida Kenya.

XS
SM
MD
LG