Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo u Sheegey Reer Orlando Inay Murugada La Qeybsanayaan


Obama iyo ku xigeenkiisa Joe
Obama iyo ku xigeenkiisa Joe

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo magaalada Orlando u tagay in uu la baroor diiqo ehellada dadkii lagu laayay maalmo ka hor halkasi, ayaa sheegay in aanu jawaab u heyn su’aalaha ah waxay u soo laalaabanayaan toogasha wadareedyada gudaha Mareykanka.

Obama iyo ku xigeenkiisa Joe Biden, ayaa si gaar ah ula kulmay qaraabada dadkii la laayay ee 49-qof gaarayay.

Waxa uu madaxweynuhu ku baaqay isku duubni, waxana uu intaasi ku daray in dadkan la dilay ay noqon karaan qoyskooda, isagoo u sheegey dadkii ay wax yeellada soo gartay in ay la xanuun sanayaan oo murugtuna la qeyb sanayaan.

Omar Mateen oo ah, nin ku dhashay New York, ayaa waxa uu subixii hore ee Axaddii hore xilliga Mareykanka, weerar ku qaaday baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Orlando ee gobolka Florida, halkaas oo uu ku dilay 49 ruux islamarkaasina ku dhaawacay 53 kale.

Weerarkaasi, ayaa noqdey kii ugu xumaa taariikhda Mareykanka soo mara oo mar qura dad intaasi gaaraya lagu dilo rasaas.


XS
SM
MD
LG