Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Paul Kagame Oo Mar Saddexaad Is-sharxaya


Madaxweyne Paul Kagame
Madaxweyne Paul Kagame

Madaxweynaha Rwanda ayaa go’aankiisa ugu dhowaaqay khudbad taleefishinka laga jeediyey Jimcihii oo uu sanadka cusub ugu tala galay.

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame, ayaa ku dhowaaqay qorshihiisa ah inuu mar saddexaad u ordo xafiiska, sanadka 2017-ka, toddobaad kadib markii dadweynaha ay u codeeyeen afti wax ka baddaeshay dastuurka, una ogolaaneysa inuu is-sharxo.

Kagame ayaa go’aankiisa ugu dhowaaqay khudbad taleefishinka laga jeediyey Jimcihii oo uu sanadka cusub ugu tala galay, isaga oo yiri “Muhiimadda iyo fikradda aad arrintan ku dabaqdeen darteed, waan aqbali karaa oo kaliya”.

Hase yeeshee Kagame waxa uu sheegay in ujeedka dalkiisa uusan ahayn inuu yeesho “Madaxweyne jira inta uu nool yahay”, waxaana uu intaas ku daray inuusan arrintaas dooneyn.

Isniintii, ayaa Kagame waxa uu u mahad-celiyey qaranka, kadib markii la ansixiyey afti beddeshay waqtiga lagu xaddiday madaxtinimada, balse xilligaas ma uusan shaacin wax qorshe ah oo uu isku sharxayo.

Watqiga madaxweyne Kagame ayaa ku eg 2017. Isbeddelada cusub ayaa u ogolaanaya Kagame, oo 58 jir ah, inuu mar saddexaad uu madaxweyne noqdo muddo 7 sano ah, kadibna is-sraxo laba goor oo kale, oo min shan sano ah, taasi oo xafiiska ku hayn karta illaa 2034-ka.

98% dadkii codeeyey ayaa ansixiyey aftidii la qaaday toddobaadkii tagay.

XS
SM
MD
LG