Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bandhiggii Clinton Oo Gadaal U Riixay Biden


Hillary Clinton iyo Bernie Sanders oo ka qeyb galaya doodda.
Hillary Clinton iyo Bernie Sanders oo ka qeyb galaya doodda.

Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka Hillary Clinton, ayaa la rumeysan yahay inay bandhig siyaasadeed wanaagsan ka muujisay dooddii xalay ee musharaxiinta xisbiga Dimuqraadiga, waxaana dadka siyaasadda taxliiliya ay sheegayaan in taasi ay kusii adkeyn karto madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Joe Biden, inuu xilli dambe soo galo loolanka 2016-ka.

Biden ayaa waxaa la filayaa inuu maalmo gudahood go’aan kaga gaaro inuu tartanka kusoo biirayo iyo in kale. Tallaabadaas waxa ay isku shaandheyn doontaa loolanka xisbiga dimuqraadiga dhexdiisa ah, halkaasi oo Clinton ay la xarbineysay inay iska riixdo fadeexadda email-ka iyo loolan adag oo lama filaan ah oo kaga imanaya dhinaca senator Bernie Sanders oo laga soo doorto gobolka Vermont.

Sanders iyo Clinton ayaa ahaa diiradda kowaad ee dooddii dimuqraadiga ee habeennimadii talaadada.

Clinton ma aysan muujin wax niyad jab ah, waxa ay weerartay Sanders, waxayna u muuqatay inay jug xooggan ku gaarsiisey arrimo ay ka mid yihiin xakameynta hubka iyo siyaasadda dhaqaalaha.

“Gacanta ay ku heysay arrimaha, way deganeyd waxaana ka muuqatay kalsooni, si wanaagsan ayayna diiradda u saareysay arrimaha” waxaa sidaas VOA u sheegay Craig Varoga oo ah Istaraatiijiiste dimuqraadi ah.

Bandhig siyaasadeedkaas wanaagsan ee xalay ay dooda ka sameysay darted, rajada laga qabay in Biden uu tartanka soo galo way sii yaraatay, sida ay lee yihiin siyaasad taxliiliyayaasha.

XS
SM
MD
LG