Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Sheegatay Qaraxyada Kampala


Al-Shabaab oo Sheegatay Qaraxyada Kampala
Al-Shabaab oo Sheegatay Qaraxyada Kampala

Kooxda al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay qiratay masuuliyadda qaraxyo xooggan oo 74 qof oo rayid ah Axaddii ku laayey Kampala.

Kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyo xooggan oo 64 qof oo rayid ah ku laayey caasimadda Uganda ee Kampala. Waa markii ugu horreysay ee uu ururku qirto weerar ka baxsan gayiga Somalia.

Sheegashada al-Shabaab ee qaraxyadan ayaa xaqiijineysa tuhun awalba laga qabay in kooxda ka dagaallanta Soomaaliya ay ka dambeysay qaraxyada Kampala lala eegtay.

Madaxweynaha Uganda Musaveni ayaa sheegay in cid-walba oo ka danbeysa qaraxyadaasi ay soo qaban doonaan.

Dhinaca kale, sarkaal u hadlay ciidanka qaranka Burundi ayaa sheegay in ciidanka Burundi aysan ka bixi doonin dalka Somalia. Sarkaalkaasi wuxuu sheegay inay qaadeen talaabooyin adag oo ay uga hortagayaan weerarro ka dhan ah shacabka Burundi.

XS
SM
MD
LG