Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Laga Saaray Tuulooyin


Al-Shabaab ayaa weeraray 3 tuulo
Al-Shabaab ayaa weeraray 3 tuulo

Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayaa shalay gelinkii dambe qabsaday tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, balse dib looga saaray.

Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayaa shalay gelinkii dambe qabsaday tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, ka hor intii aan dib looga saarin, sida uu sheegay maamulka gobolka.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada Hoose Cabdi Fataax Xaaji Cabdulle, ayaa wareysi uu siiyey idaacadda VOA-da ku sheegay in maleeshiyadu ay si kooban ula wareegeen gacan ku haynta tuulooyinka Mareerey, Sabiib iyo Caanoole.

Cabdi Fataax, ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ciidamada Soomaaliya oo isugu jira nabad sugid iyo milatari ay markaa kadib weerar xooggan ku qaadeen saddexda tuulo, halkaasi oo ay dib u qabsadeen xalay, kadib dagaal xooggan.

Dagaalka ayuu sheegay inuu khasaare badan dhaliyey, isaga oo carabka ku dhuftay inay jiraan askar dhaawac ah oo duurka ku cararaay. Waxa uu sidoo kale sheegay inuusan garaneyn heerka uu la eg yahay khasaaraha gaaray dhinaca Al-Shabaab.

Maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, ayaa kasoo tagay deegaannada Awdheegle, Mubaarak iyo Toora Toorow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Cabdi Fataax ayaa sheegay in intii aysan Al-Shabaabka ka bixin saddexda Tuulo ay qalabkii caafimaadka ka qaateen MCH ku yaalla Mareerey.

Waxaa Wareystay Maxamed Xasan Colaad

Cabdifataax Xaaji
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:54 0:00

XS
SM
MD
LG