Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Alshabaab oo Labo Gabdhood ku Toogtay Baladweyne


Alshabaab oo Labo Gabdhood ku Toogtay Baladweyne
Alshabaab oo Labo Gabdhood ku Toogtay Baladweyne

Gabdho da' yar oo ururka Alshabaab uu ku eedeeyey in ay dawladda Somalia u basaasayeen ayaa ururku ku toogtay magaaladda Beledweyne

Labo gabdhood oo aan da'dooda wali si wanaagsan loo xaqiijinin ayaa maanta lagu toogtay magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Wareysi ay Idaacadda VOA la yeelatay haweenay habaryar u ah mid ka mid labada dhibbane ayaa sheegtay in labada gabdhood ay 14 iyo 15 sano kala jireen. Haweenaydu waxa kale oo ay sheegtay in labada gabdhood ay maalmo ka hor waayeen, loona malaynayey inay tahriib u baxeen, isla markaana ay ka baadigoobayeen magaalooyinka Boosaaso iyo Hargeysa.

Haweenaydu waxay sheegtay in waqti ka dib ay ka war heleen in ururka Alshabaab uu gabdhahaas gacanta ku hayo, laguna eedeeyey inay dawladda KMG ay u basaasayeen. Haweenayda ayaa sheegtay in dambiga gabdhaha loo haysto iyo xukunka lagu riday ay labadaba ka ogaadeen mikrofoon magaalada lala dhex marayey oo saraakiisha Alshabaab ay magaalada dhexdeeda ka naadinayeen.

Ugu dambeyntii, haweenaydu waxay sheegtay in xubnaha qoyska gabadha ay habaryarta u ahayd ayna tagin meeshii toogashadu ka dhacday.

Ogow: Akhristoow, haddii aad joogtay meesha toogashadu ka dhacday oo aad arkaysay sida dilku u dhacay, fadlan email noogu soo dir telefoon aanu kaala soo xiriirno. Emailkayagu waa somali@voanews.com

Wareysiga haweenayda, hoosta ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG