Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Alabama: Burburka Duufaanka


Alabama: Burburka Duufaanka
Alabama: Burburka Duufaanka

Magaalada Turcaloosa ayaa ah meesha ugu ba'an ee uu duufaanku burbur u geystay.

Tirada dhimashada duufaankii ku dhuftay qaar ka mid ah gobollada koonfurta Maraykanka ayaa kor usii kaceysa, waxaana ay mareysaa 296 qof, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Maraykanka.

Guddoomiyaha gobolka Alabama Robert Bentley ayaa sheegay in duufaanku uu arbacadii gobolkaasi ku dilay ugu yaraan 195 qof, wuxuuna dalbaday gurmad deg deg ah.

Madaxweyne Barack Obama ayaa ku dhowaaqay xaalad deg deg ah oo loogu gurmanayo gobolka Alabama iyo dhammaan deegaanada uu duufaanku waxyeelleeyay.

Mr. Obama ayaa sheegay inuu aad uga naxay dhimashada uu geystay duufaanka, wuxuuna ballan qaaday in dowladda federaalku ay wixii karaankeeda ah ay gacan ka geysan doonto sidii uu dib ugu soo kaban lahaa gobolkaasi.

Magaalada Turcaloosa waxaa ku sugan Cabdiraxmaan Maxamed Nuur oo ah nin Soomaali ah oo halkaasi deggan, wuxuuna nooga warramay xaaladda magaaladaasi burburka ka soo gaaray duufaanka.

XS
SM
MD
LG