Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab oo soo bandhigtay hub


Qoryaha Al-Shabab soo bandhigtay
Qoryaha Al-Shabab soo bandhigtay

Ururka Al-Shabab ayaa maanta soo bandhigay hub iyo sarkaal ay sheegeen inuu ka soo goostay dhinaca ciidamada DKMG

Afhayeenka Al-Shabab Cali Max'uud Raage ayaa warbaahinta u sheegay in waqtiyo fara badan ururkooda la weydiiyay halka ay hubka ka keenay, balse wixii maanta ka danbeeya ay warbaahintu ogaan doonto in hubka Al-Shabab lagala soo goosto dhinaca dowladda.

Sarkaalka ka soo goostay dowladda ayaa magaciisa lagu sheegay Baashi Axmed, kaasoo sida la sheegayo ka soo baxsaday saldhig ciidan oo dowladda Somalia ay ku leeyihiin Warshadii Nac-Naca ee ku taalla degmada Wadajir.

Hubkan u soo gacan galay Al-Shabaab ayaa wuxuu imanaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socdaan diyaargarow iyo abaabullo dagaal oo labada dhinac ay wadaan. Dowladda Somalia ayaa maalmahan wada abaabullo dagaal oo ay ku doonayso inay dagaal ku qaado Al-Shabab, balse Afhayeenka Al-Shabab Cali Dheere ayaa maanta xusay inaysa sugeyn weerar uga yimaada dhinaca dowladda ee ay iyagu weerar bilaabi doonaan.

Afhayeen u hadlay ciidamada dowladda KMG ah Aadan Kaalmoy ayaa VOA mar uu la hadlayay wuxuu si weyn u beeniyay in hub dowladda KMG ay leedahay loola baxsaday dhinaca Al-Shabaab. Aadan Kaalmoy wuxuu kaloo beeniyay in sarkaal uu ka soo goostay ciidamada dowladda, isagoo xusay in ninkaasi uusan kaba tirsanayn ciidamada dowladda.

XS
SM
MD
LG