Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-shabab oo al-Qacida ku biirtay


Al-shabab oo al-Qacida ku biirtay
Al-shabab oo al-Qacida ku biirtay

Hogaamiyeyaha ururka Al-qacida Al-Qaida ayaa sheegay in kooxda Al-shabab ee Somaliya ay si rasmi ah ugu biireen, shabakaddaasi.

Koox indhaha ku heysa waxyaabaha ay qoraan bogagga internetka ayaa sheegtay Qamiistii shalay, in hogaamiyaha ururka Al-qacida Ayman al-Zawahiri uu hadalkaasi ku sheegay fariin Cod Vedio ah.

Sida ay sheegtay kooxda la yirahdo SITE Intelligence Group, al-Zawahiri ayaa hadal farxad leh ku yiri al-Shabab waxey ku soo biirtay dhaq dhaqaaqa jihaad doonka ah ee Al-qacida, ee ka soo horjeeda ololaha Zahyuuniyadda iyo kuwa taageersan.

Kooxda Al-Shabab ayaa horey u sheegtay inay gacan saar leeyihiin ururka Al-Qacida, bishii Junna waxey balanqaadeen inay adeecayaan al-Zawahiri, ka dib markii ciidamada mareykanka ay dileen hogaamiyihii ururka Osama bin Laden.

Kooxda Al-shabab ayaa weerar ku heysay DKMG ah ku dhawaad shan sanadood iskuday ay ku doonayeen inay ku rideen dowladda ay Qaramada Midoobay taageersantahay, oo ay Somaliya ku soo rogaan shareecada Islamka oo si qaldan loo turjuntay.

Kooxda ayaa mar marka ka dambeysa waxaa loo arkayay Qatar ku soo korodhay gobolka Bariga Africa, taasoo ku qasabtay dowladaha Kenya iyo Ethiopia inay ciidamo u diraan Somaliya

Ciidamada Midowga Africa ayaa sidoo kala dagaalamaya kooxda Magaalada Muqdisho, waxeyna kooxdu sheegatay masuuliyadda Qarax gaari miineysan loo adeegsaday oo Arbacadii ka dhacay meel u dhow hotel ku yaala magaalada Muqdisho. Kaasoo 15qof ay ku dhinteen

Dowladda Maraykanka ayaa ku dartay Al-shabab liiska ururada Argagixisada ee dunida.

XS
SM
MD
LG