Isku xirrada

Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabab oo La Qabtay


 Al Shabab

Al Shabab

Wararka ka imanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in magaalada Ceel-Waaq lagu qabtay mid ka mid ah saraakiisha ugu sarreeya ururka al-Shabab.

Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Zakariye Ismaaciil Xirsi waxaana uu ka mid ahaa saraakiisha ururka al-Shabab ee lacagta abaalmarinta ah madaxooda la kor dhigay.

Taliyha ciidamada dawladda ee Gobolka Gedo Jeneraal Cabbaas Ibraahim Gurey ayaa VOA u sheegay inay saaka ka war heln guri uu ku dhuumanayey Zakariye Ismaaciil kadibna ay weerar ku qaadeen halkaasina ay kusoo qabteen isaga iyo xoghayntiisii.

Jeneraal Cabbaas waxa uu sheegay inaanu Zakariye muujin wax diidmo ah markii lasoo qabanayey.

Zakariye Ismaaciil oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay inuu hore uga tirsanaa ururka al-Shabab balse uu ururka ka tagay 18 bilood ka hor.

Waxa uu beeniyey inuu marna soo qabtay Madaxa Sirdoonka ee ururka Al-Shabab, waxaase uu sheegay inuu soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid tahay Madaxa Wilaayaadka Gobollada iyo mid ka mid ah Taliyayaasha Ciidanka Al-Shabab.

Zakariye Ismaaciil waxa uu ka mid yahay saraakiisha Al-Shabab ee dawladda Maraykanku ay ku doonaysay lacag dhan 3 milyan oo doollar.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso waraysi ku saabsan qabashada sarkaalka al Shabab:

XS
SM
MD
LG