Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar Ka Dhacay Jubbada Hoose


Al Shabab
Al Shabab

Wararka ka imanaya Gobolka Jubba Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu galabta ka dhacay waddada u dhaxaysay magaalooyinka Qooqaani yo Afmadow ee gobolkaasi kadib markii maleeshiyada Al-Shabab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo ciidmo ah oo oo iskugu jira kuwa AMISOM ee ka socda Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Warar ay VOA ka heshay ilo milatari oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in weerarka uu dhacay wax yar kadib markii kolonyada ciidanka ah ay ka dhaqaaqeen magaalada Qooqaani iyaga oo kusii jeeday Afmadow abaarihii 4:30 galabnimo xilliga Soomaaliya.

Hubka culus iyo kan fudud ayaa la isweydaarsaday.

Warar aanu ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawacba uu soo gaadhay ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka labada.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dawladda oo magaciisa qariyey ayaa sheegay ciidamada Soomaalida ah uu ka dhintay askari, toddoba kalena ay dhaawacmeen. Sarkaalku waxa kale oo uu sheegay in waxyeello soo gaartay laba baabuur oo kuwa milatariga ah inkastoo uusan sheegin in baabuurtaasi ay leeyihiin ciidamada Kenya iyo in kale.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka. Mas’uuliyiinta AMISOM iyo kuwa Kenya ayaan weli ka hadlin dagaalkan.

XS
SM
MD
LG