Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab: Waan u Aargudi-doonaa Osama


Al-Shabaab: Waan u Aargudi-doonaa Osama
Al-Shabaab: Waan u Aargudi-doonaa Osama

Al-shabab ayaa wacad ku matay inay u aargudi doonto dilkii loo geystay hoggaamiyihii kooxda al-qaacida Osama bin Laden.

Kooxda Al-shabab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa wacad ku martay inay u aargudi doonto dilkii loo geystay hoggaamiyihii kooxda al-qaacida Osama bin Laden.

Afhayeenka kooxda Al-shabaab ayaa sheegay maanta (Sabti) in dhimashada Osama bin Laden aysan dhaawac ku keeni doonin dagaalka ay ka wadaan.

Kooxda al-shabaab ayaa isku dayayay inay ridaan dowladda KMG ee Somalia ee ay Qaramada Midoobay taageerto. Al-shabaab waxay ka taliyaan qeybo badan oo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Somalia iyo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Raisal-wasaaraha Somalia, Max’ed C/laahi Farmaajo ayaa laanta Af-Soomaaliga ee VOA u sheegay isniintii in xukuumaddiisu ay soo dhaweynayso dilka Osama, laakiin ay sidoo kale u diyaargaroobayso weerarro aargudasho ah oo ka yimaada kooxda Al-shabaab.

XS
SM
MD
LG