Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Xukunno fulisay


Al-Shabaab oo Xukunno fulisay
Al-Shabaab oo Xukunno fulisay

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta Muqdisho ka fulisay xukunno isugu jira qisaas iyo gacan goyn

Dilka qisaasta ah iyo gacan goynta oo ka dhacay degmada Dayniile waxaa lagu fuliyay labo nin oo dhalinyaro ah ka dib markii maxkamad ay gacanta ku hayaan kooxda al-Shabaab ay xukunkasi ku riday.

Xukunka dilka ah waxaa lagu fuliyay Maxamed Axmed Qaasim waxaa lagu eedeeyay inuu horey u dilay nin kale, sidaasina waxaa fagaaraha ay toogashadu ka dhacaysay kaga dhowaaqay garsoore ka tirsan kooxda al-Shabaab.

Dilka Maxamed Axmed Qaasim waxaa fuliyay saddex nin oo ka tirsan Al-Shabaab oo afka duubnaa kuwaasoo rasaas ku toogtay marxuumka.

Xukunka kale ee gacan goynta ayaa isla fagaarahaasi gacanta midigta looga jaray wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Shiine Abuukar Xirsi oo lagu eedeeyay xatooyo.

Waxaa fagaaraha gacan goyntu ka dhaceysay lagu sheegay in wiilkaasi lagu helay inuu xaday firaashyada lagu seexdo iyo alaabo kale.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay xukunno sidan oo kale ah Shabaabku ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG