Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Weerartay Saldhigga Laanta Buuro


Maleeshiyada Al-Shabaab
Maleeshiyada Al-Shabaab

Maleeshiyada ururka Al-Shabab ayaa saacadihi hore ee saaka weerar xooggan ku qaaday saldhigga ciidamada dowladda ee Laanta Buuro oo 40 kilometer dhinaca Galbeed ka xiga magaaladsa Muqdisho.

Saraakiil iyo goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in weerarka uu ku billowday baabuur uu waday qof ismiidaamiye ah oo lagu dhuftay afaafka hore ee saldhigga Laanta Buuro oo hore xabsi u ahana jiray, kadibna waxaa la sheegay in boqollaal maleeshiyo ah oo hubaysan ay weerar dhinacyada kaga soo qaadeen saldhigga.

Saldhigga ayaa dhowaan laga dhisay xarunta taliska ee saddexda gobol ee Banaadir, Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose. Ciidamada joogay salhdigga ayaa la sheegay inay u carareen dhinaca magaalada Afgooye.

Saraakiisha dawladda ayaa sheegay in ugu yaraan shan askari dhinteen inkastoo tirada intaas ay ka badan karto, sidoo kalena Al-Shabab ay saldhigga ka qaateen laba baabuur.

Ururka Al-Shabab waxay dhinacooda sheegteen inay dileen 30 askari, toddoba baabuurna ay saldhigga ka qaateen.

Maleeshiyada Al-Shabab ayaa la sheegay inay muddo gaaban haysteen saldhigga. Waa markii labaad ee Al-Shabab ay weerarto saldhiggaas isla sannadkan.

XS
SM
MD
LG