Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab Oo Saldhig Amisom Weeraray


Weerarka oo isugu jiray qarax is-miidaamin ah iyo xabado, ayaa lagu qaaday saldhigga ciidamada Kenya ee deeganaka Ceelcade ee Gedo.

Goobjoogeyaaal ku sugan gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay weerareen saldhig milatari oo ciidamada Amisom ay ku lee yihiin deegaanka Ceelcade, oo 60 KM u jirta magaalada Garbahaarey ee caasimadda gobolka.

Weerarka ayaa la rumeysan yahay inuu yahay qarax is-miidaamin ah oo saacadihii hore ee jimcaha maanta ah (1/15/2016) la qaaday, waxaana kadibxigay xabado ay is-weydaarsadeen ciidamada Kenya ee saldhigga ku sugnaa iyo kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay qabsatay saldhigga ayna dishay tobaneeyo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika, hase yeeshee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ma xaqiijin arrintan.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab, ayaa sheegay in in ka badan 60 askari ay ku dileen weerarka, balse ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashadiisa.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la wareegtay gacan ku haynta degmada iyo deegaanada ku hareereysan ayna ka taagtay calankeeda. Dadka deegaanka waxa ay sidoo kale sheegeen in mintidiinta ay qabsadeen hub saarnaa baarbuur milatari.

Al-Shabaab ayaa bilihii June iyo September ee 2015 weerar kan la mid ah ku qaaday saldhigyada ciidamada Amisom ee Soomaaliya, ayaga oo dilay ciidamo badan oo ka mid ah kuwa Amisom.

VOA ayaa ka wareysatay dagaalka guddoomiye ku xigeenka Gedo Maxamed Xuseen Isaaq.

Wareysi: Maxamed Xuseen Isaaq
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:42 0:00

XS
SM
MD
LG