Isku xirrada

Al-Shabaab oo Weerar ku Dishay Shan Sarkaal oo Kenyan ah


Shan ka tirsan saraakiisha booliiska dalka Kenya ayaa la dilay kadib markii maleeshiyo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ay weerareen kolonyo baabuur booliis ah, oo ku safrayey qeybo ka mid ah Woqooyiga Bari ee dalkaas.

Booliiska ayaa sugayey amniga gaari rakaab ah oo ku safrayey meel u dhow magaalada Ceelwaaq ee xadka Soomaaliya, markii maleeshiyada ay ku dhufteen gantaal laga soo rigay qoriga RPG ama Soomaalidu u taqaan sabanka.

“Waxaan cambaareeneynaa weerarka ay kooxda Al-Shabaab saaka ka fuliyeen deegaanka Dimu, oo shan sarkaal lagu dilay” Waxaa sidaas bartiisa twitter ku sheegay barasaabka Mandheera, Cali Roba.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro is-daba joog ah ka fulisa dalka Kenya, gaar ahaan xuduudda Kenya iyo Soomaaliya, halkaasi oo weeraro dhowr ah oo ka dhacay lagu dilay dad badan oo Kenyan ah.

Warbixintan waxaa magaalada Gaarisa ka soo diray wariyeheenna Maxamed Faarax Shire.

XS
SM
MD
LG