Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya: Al-Shabaab oo Qorsheynaya Weeraro Culus


Shabaab
Shabaab

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helanay ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in ururka Al-Shabaab ay qorshayanayaan weerraro inay ku qaadaan xarrumaha muhiimka ah ee ay ku sugan yihiin dadka ajanaibta ah gaar ahaan dadka reer galbeedka.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay doonayaan in weeraradan ay uga aargutaan duqeymo iyo howl-gallo dhacayey dhowaanahan oo saraakiil sare looga dilay kooxda.

Goobaha laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay weeraraan waxaa ka mid ah garoomada diyaaradaha, gaadiidka hawada, xarumaha dowladda iyo hoteellada ay ku sugan yihiin ajaaniibta iyo madaxda dowladda Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid laba maalmood kadib markii dawladda Maraykanka ay sidoo kale uga digtay muwaadiniinteeda inay booqdaan Soomaaliya sababtoo ah weerarro laga yaabo inay Al-Shabaab qaaddo.

Warbixintan waxaa noo diyaariyey Haaruun Macruuf.

Al-Shabaab oo qorsheyneysa weeraro culus
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:09 0:00

XS
SM
MD
LG