Isku xirrada

Al-Shabaab oo Qabsatay Magaalada Marka


Shabaab

Shabaab

Wararka ka imanaya magaalada Marka ayaa sheegaya inay maleeshiyada Al-Shabaab ay goor dhow la wareegeen magaalada kadib markii ay ka baxeen ciidamada dawladda Soomaaliya.

Wararku waxay sheegayaan in maleeshiyo aad u hubaysan oo ka tirsan ururka Al-Shabab ay gacanta ku hayaan oo haatanna gaaf wareegayaan magaalada.

Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa la sheegay inay haatan ku sugan yihiin saldhiggooda ku yaalla duleedka magaalada.

Illaa iyo hadda lama ganarayo sababta ay ciidamada dowladda Soomaaliya uga baxeen magaalada Marka.

Haaruun Macruuf ayaa arrintan ka waraystay guddoomiyaha Marka Xasan Cumar Macallin.

XS
SM
MD
LG