Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxda Al-Shabab Oo Qabsatay Badhaadhe


Al-Shabaab
Al-Shabaab

Al-Shabaab ayaa qabsaday degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii ay ka baxeen ciidamada Kenya iyo Jubbaland.

Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Badhaadhe oo ay saaka faarujiyeen ciidamada Amisom iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Horjoogeyaal ka tisarn kooxdan, ayaa lagu warramayaa inay isku soo bixiyeen dadka magaalada oo ay hadallo u jeediyeen.

Faarax Heybe Macallin oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Jubbaland ee ku sugnaa Badhaadhe ayaa VOA u xaqiijiyay in ciidamada Kenya oo ay waheliyaan kuwa Soomaalida ay saaka ka baxeen magaalada Badhaadhe.

Faarax, ayaa sababta ku sheegay in ciidamada lagu amray inay kasoo baxaan Badhaadhe.

Dadka ku nool magaalada Badhaadhe ayaa sidoo kale VOA u xaqiijiyay in magaalada Badhaadhe ay ka baxeen ciidamadii Kenya ee ku sugnaa.

Degmada Badhaadhe ee gobbolka Jubbada Hoose ayaa 180 KM u jirta magaalada Kismaayo, waxaana sadexdii sano ee ugu dambeeyay ku sugnaa ciidamada Kenya.

XS
SM
MD
LG