Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Qabatay wasiir ka tirsan DKMG


Al-Shabaab oo Qabatay wasiir ka tirsan DKMG
Al-Shabaab oo Qabatay wasiir ka tirsan DKMG

Kooxda Al-shabaab ayaa gacanta ku dhigtay Caasho Cismaan Caaqil oo ka mid ah wasiiradda cusub ee DKMG ee shalay la soo magacaabay.

Kooxda al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay gacanta ku dhigtay Caasho Cismaan Caaqil oo ka mid ah wasiiradda cusub ee uu shalay soo dhisay raisal-wasaaraha Somalia C/wali Max'ed Gaas

Caasho Cismaan Caaqil oo loo magacaabay wasiirka haweenka iyo arrimaha qosyka ayaa waxaa in laga qabtay degmada Balcad, balse ma cadda sida loo qabtay iyo wakhtiga la qabtay, hasse yeeshee eheladda Caasho Cismaan ayaa VOA u sheegay inay iyadu u tagtay AL-Shabab si ay ugu sheegto inaysan raalli ka ahayn jagadaasi loo magacaabay.

Sida ay ehelladu VOA u sheegeen, Caasho waxay ku noolayd magaalada Jowhar, waxayna Balcad u joogtay inay booqato sodohdeed oo xanuusanayd. Eheladu waxay sheegeen in Caasho Cismaan aysan haba-yaraatee wax lug ah ama xiriir la lahayn dowladda KMG, isla markaana waxay shirqool ku tilmaameen magacaabista loo magacaabay wasiir ka tirsan dowladda KMG ee Somalia.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhageyso wareysiga ehelada Caasho Cismaan.

XS
SM
MD
LG