Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab Oo Jidka U Gashay Ciidanka Kenya


Dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay in gaari milatari laga gubay ciidamada Kenya, islamakaana uu dhacay dagaal xooggan.

Wararka laga helayo deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay maleeshiyada Al-Shabaab ku weerartay kolonyo gaadiid ah oo ay lee yhiin ciidamada Kenya, oo marayey duleedka Qooqaani.

Dadka deegaanka ayaa VOA-da u sheegay in gaari kuwa militariga ee hubka uu saaran-yahay ah weerarkaas looga gubay ciidamada Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa markii weerarka lala eegtey sameeyey iska cabin, taasi oo dhalisay dagaal muddo socdey.

Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, inkasta oo aanan la ogaan karin tirada rasmi ah, deegaanka oo ah dhulka baadiyaha ah awgeed.

Weerarada noocaan ah ayaa had iyo goor ka dhaca jidadka isku xira tuulooyinka iyo magaalooyinka gobolada dalka, ee ay Al-Shabaab qaarkood ku sugan yihiin.

XS
SM
MD
LG