Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab iyo burburinta qabriyada


Instalasi seni berjudul "Bang" karya seniman China Ai Weiwei di paviliun Jerman pada pameran Venice Biennale ke-55. (Reuters/Stefano Rellandini)
Instalasi seni berjudul "Bang" karya seniman China Ai Weiwei di paviliun Jerman pada pameran Venice Biennale ke-55. (Reuters/Stefano Rellandini)

Ururka Al-Shabab ayaa Muqdisho ka wada howlo ay ku duminayaan qabriyo cullumo. Eheladda culumadaasi ayaa VOA-da uga warramay dareenkooda

Maalmihii ugu danbeeyey waxaa qeybo ka mida magaalada Muqdisho ka socdey qorshe lagu burburinayo qabuurro mashaa’iq caan ah oo Soomaaliyeed. Howshaas ayaa waxaa fulinayey xooggaga Al-shabaab oo iyaga gacanta ku haya inta badan magalaada Muqdisho ,

Qabriyadii ugu danbeeyey ee la bur buriyeyna waxaa ka mid ahaa qabriga Sh Muxyadiin Celi, Sh Ahmed Xaaji, Sh Cali Cabdulle, iyo Sh Adan Dheere, iyadoo la sheegay in Al-Shabab ay qorshaha ugu jirto inay burburiyaan kuwo kale oo hor leh.

Ka sokow dadkii wadaadadaas ku xirnaa waxay arrintan burburinta qabriya qalbi jabisay eheladii iyo ubadkii ay ka tageen mashaa'iqdaas oo qaarkood goob joog u ahaa markii la burburinayay qubuurahaasi.

Sh Cabdiqadir Sh Axmed Xaaji oo ah wiil uu dhaley Sh. Axmed Xaaji oo ka mida culumadii shaley la burburiyey qabriyadooda ayaa sheegay in dareenkiisa ay aad u dhaawacday inuu arko in la dudumiyey qabrigii aabihiis lana qaatey lafihiisa

Howlahan qabuurraha lagu duduminayo ayaa in muddo ah soo socdey. Sh Maxamed Pakistani oo ka tirsananaan jiray ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inuu arkay lafaha culumada Soomaalida qaarkood oo Al-shabaab ay jawaano ku ridayaan.

Sh Maxamed Pakistani waxaa awoowe u ahaa Sh. Adan Dheere oo isna maanta la dudumiyey qabrigiisa, wuxuu hoosta ka xariiqay in burburinta qabriyadu ay ku sii badin doonto colaadda uu u qabo Al-Shabaab.

Ismael Sh. Ooyaye Sh. Muxyadiin Celi ayaa VOA-da u xaqiijiyay inaan wax lafo ah aysan Al-Shabaab ka helin qabriga Sh Muxyadiin Celi. Ismaaciil wuxuu sheegay in Shabaabku ay bililiqeysteen oo burburiyeen kitaabo iyo qoraallo taariiqi ah oo xarunta Sh Muxyadiin yaalay.


Uruka Al-Shabaab iyagu waxay sheegen in qabuurahani ay yihiin kuwo shirki ah oo aan diinta islaamka boos ku laheyn isla markaana ay dad badan caabuddaan, taasna ay tahay sababta ay u burburinayaan.

Sh.Cabdirahman Shariif oo ah Imaamka Masjidka Dar al Hijra ee ku yaala Minneapolis, ayaa sheegay in qorshaha Shabaabku ku burburinayaan qabriyadda aysan waafaqsanayn diinta Islaamka.


Warbixin ka hadlaysa arrintan qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG