Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Qaeda oo Hoggaan Cusub Dooratay


Al-Qaeda oo Hoggaan Cusub Dooratay
Al-Qaeda oo Hoggaan Cusub Dooratay

Shabakadda al-Qaacida ayaa dooratay hoggaamiye cusub oo beddelaya hoggaamiyohoodii hore ee la dilay Osama bin Laden.

Shabakadda al-Qaacida ayaa sheegtay in wadaadka xagjirka ah ee u dhashay dalka Masar Ayman al-Zawahiri uu beddelayo hoggaamiyohoodii la dilay Osama bin Laden.

Qoraalka magacaabista ayay shabakaddu ku soo daabacday bog islaami ah. Kooxdaas ayaa ku hanjabtay inay sii wadi doonto dagaalkeeda Jihaadka ee ka dhanka ah Maraykanka iyo Israa’iil.

Al-Qaacida ayaa sheegtay inay wadi doonaan dagaalka ilaa inta ay ka baxayaan “ciidamada faragelinta ku sameeyay dhulka Islaamka.”

Zawahiri oo ah nin dhakhtar ah oo todobaadka soo socda 60 jirsanayo, wuxuu muddo dheer ahaa ku xigeenka bin Laden. Khubarada argagixisadu waxay u yaqaanaan inuu yahay isku dubarridaha ugu weyn ee fikirka iyo hawlgalada al-Qaacida. Faalloyahanno badan ayaa horey u saadaaliyay inuu isaga la wareegi doono al-Qaacida, ka dib markii ciidamo komaandos oo Maraykan ah ay gudaha Pakistan ku dileen Osama bin Laden.

Zawahiri waxaa la rumeysan yahay inuu ku sugan yahay meel ka mid ah gobolka buuralayda ee ku dhow xadka Pakistan iyo Afqaanistaan. Sarkaal ka tirsan ka hortagga argagixisada oo Maraykan ah, John Brenan ayaa todobaadkan sheegay in Maraykanku uu ugaarsanayo Zawahiri.

Al-Zawahiri wuxuu ka soo jeedaa qoys dhakhaatiir iyo aqoonyahanno Masaari ah oo xagga dhaqaalaha ladan oo dabaqadda dhexe ah, laakiin isagoo dhalinyaro ah ayuu noqday xagjir Islaami ah.

Muddadii uu shahaadada Degree ka sameynayay caafimaadka, ayuu wuxu gacan ka geystay aasaasidda kooxda mintidka ah ee dalka Masar ee Islamic Jihad.
Ka dib markii la dilay bin Laden, Zawahiri wuxuu si kulul u cambaareyay dalalka reer Galbeedka. Wuxuu sidoo kale dhalleecayn u jeediyay waddamada Carabta ee ay u arkaan inaysan diin lahayn amma ay xiriir soke la leeyihiin Maraykanka.

Wuxuu ammaan u jeediyay hoggaamiyaha Talibanka Afqaanistaan, Mullah Cumar, kuna tilmaamay geesi ka tirsan Muslimiinta.

Wuxuu ku dooday in duqeynta cirka ah ee NATO ay ku waddo ciidamada daacadda u ah hoggaamiyaha Libya, Mucammar Qadaafi loogu talagalay in reer Galbeedku ay kula wareegaan salidda dalkaasi uu hodonka ku yahay.

Laakiin wuxuu ku ammaanay shacabka Masaarida ee ay isku jansiyadda yihiin ridistii ay rideen madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Xusni Mubaarak, isagoona ku baaqay in la taageero kacdoonka dalka Suuriya ee looga soo horjeedo Madaxweyne Bashar al-Asad.

XS
SM
MD
LG