Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Bashiir oo Dal Ku Gal Weydiistay Mareykanka


Sudan's President Omar al-Bashir
Sudan's President Omar al-Bashir

Dowladda Sudan ayaa rajeyneysa in maamulka madaxweyne Obama uu madaxweyne Cumar Xasan al-Bashiir u ogolaan doono dal ku gal-ka Mareykanka, si uu uga qeyb galo kulanka golaha guud ee QM ee ka dhacaya magaalada New York.

Wasiirka warfaafinta Sudan Ahmed Bilal ayaa sheegay in madaxweyne al-Bashiir uu casuumad ka helay xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon si uu uga qeyb galo kulanka oo dhacaya bisha September.

Waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay qasab ku tahay inay dal ku gal u damaanad qaado madaxweyne al-Bashiir, maadaama ay mart-geliso QM.

“Xaqiiqdii, hadda ka hor Al-Bashiir wuu codsaday Visa, hase yeeshee lama siin, balse markan waxa uu casuumad ka helay QM, waana qasab in la siiyaa” ayuu yri Ahmed Bilal.

Madaxweynaha dalka Sudan oo ay raadineyso maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka, ayaa tododbaadkii taagay ka qeyb galay caleemo saarka madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

XS
SM
MD
LG