Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ajnabi Tababaro Ka Wada Dalka Mali


Madaxweynaha Dalka Niger Mahamadou Issoufou ayaa sheegay in kooxo jihaadistayaal ah oo ka tegay Pakistan iyo Afghanistan ay tababaro u fidinayaan xubno ka mid ah kooxaha Islaamiyiinta ah ee Waqooyiga Mali.

Mr. Issoufou ayaa u sheegay teefishinka France 24 isagoo ku sugan caasimadda dalkaasi ee Niamey, khamiistii shalay in dowladiisu ay heyso warbixin ku saabsan joogitaanka muwaadiniin u dhashay Pakistan iyo Afghanistan ee Waqooyiga Mali – kuwaa oo tabarabo ka wada halkaa.

Waxa uu sheegay madaxweynaha Niger in raggan ajnabiga ah ay tababaro siinayaan dad laga soo askareeyay dalalka ku yaala galbeedka Africa.

Maali oo beri loo arki jiray tusaalaha dimuquraadiyadda ee Africa ayaa ku jirtay qulqulatooyin tani iyo bishii March, markii koox ka tirsan askarta ay afgambi ku rideen dowladii madaxweyne Amadou Toumani Toure, taasoo dalkaasi gelisay xaalad fowdo ah iyo maraan dhinaca awoodda ah.

Tan iyo Afgambigaasina , falaagada Tuareg, oo gacan ka helayay kooxaha mintidiinta Islamiga ah ayaa qabsaday maamulka dhul balaaran oo ku yaala waqooyiga Mali, waxeyna sheegteen gobol madax banaan oo ay ugu yeereen "Azawad."


XS
SM
MD
LG