Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Shirka Maxkamada Dastuuriga


Shaqada maxkamadda dastuuriga ah ayaa haddii la dhiso waxa ay noqoneysaa xalinta khilaafaadka siyaasadeed iyo in ay fasirto qodobada dastuurka.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda shirar lagu dar-dar galinayo dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ee dalka Soomaaliya oo ilaa hadda aanay ku guulaysan dawladda Soomaaliya in ay hirgaliso.

Shaqada ugu weyn ee maxkamadda dastuuriga ah ayaa haddii la dhiso waxa ay noqoneysaa xalinta khilaafaadka siyaasadeed iyo in ay fasirto qodobada dastuurka.

Sharciga lagu dhisayo Maxkamadda Dastuuriga ayaa muddo horyaala baarlamanka Federaalka, waxaana la filayaa in marka lasoo gaba-gabeeyo ay suuragal noqon karto dhismaha maxkamddaasi.

Hadaba Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo ku sugan Studiyaha VOA ee London ayaa khadka taleefanka ee Muqdisho kula xiriiray Wasiirka Cadaaladda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac “Ilka-jiir”, oo uu weydiiyay ujeedada shirka.

Wareysi: Wasiirka Cadaaladda
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:03 0:00

XS
SM
MD
LG