Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ahlu-Sunna oo maamul u sameysay Benaadir


Ahlu-Sunna oo maamul u sameysay Benaadir
Ahlu-Sunna oo maamul u sameysay Benaadir

Ururka Ahlu-Sunna ayaa Muqdisho uga dhawaaqay maamul iyaga hoos yimaada oo u yeesho gobolka Benaadir.

Kulanka ka dhacay xarunta gobolka Benaadir oo maamulkaasi cusub looga dhawaaqay ayaa waxaa goob joog ka ahaa, xubno ka tirsan dowladda KMG iyo dhamaan culumadda Ahlu-Sunna oo ay ku jiraan xubnaha dhawaan ka yimid gobollada Dhexe ee Somalia.

Hogaanka sare ee maamulka cusub ayaa loo doortay Sheekh C/dir Macallin Nuur Maxamed Siyaad, waxaana sidoo kale la magacaabay madaxa warfaafinta ee ururkaasi, iyadoo loo magacaabay Sheekh Cabdulaahi Sheekh C/raxmaan (Abuu yuusuf al qaadi).

Gudoomiyaha gollaha Fulinta ee ururka Ahlu-Sunna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow, isla markaana ururkaasi u saxiixay heshiiskii ay dhawaan la galeen dowladda KMG, ayaa kulanka maamulkan cusub lagu dhisay ka sheegay in dhismaha maamulkan cusub uusan ka dhignayn xil raadin, balse yahay sidii ay nabad ugu soo dabaali lahaayeen gobolka Benaadir.

Maamulkan cusub ee uu ku dhawaaqay Ahlu-Sunna ayaa noqonaya maamulkii afraad ee uu yeesho gobolka Benaadir. Dowladda KMG, Al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam ayaa iyaguna leh maamullo u qaabilsan gobolka Benaadir.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG