Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ahlu Sunna iyo Dagaalka Muqdisho


Ahlu Sunna iyo Dagaalka Muqdisho
Ahlu Sunna iyo Dagaalka Muqdisho

Maamulka Ahlu-Sunna ee gobolka Banaadir wuxuu sheegay inay xeelado dagaal dartood ay fariisimohoodii hore uga soo baxeen.

Deegaanka Taleex ee degmada Hodan oo ay iminka isku horfadhiyaan maleeshiyada al-Shabaab iyo kuwa Ahlu-sunna waljamaaca waxa uu ahaa deegaan bilicsan oo daaro qurxoon ay ku yaalliin, balse haatan isku bedelay goob cidlo ah oo aan nafta lagu aamin karin.

Deegaankaasi ayaa noqday goob dagaaleed oo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM, kuwa Dowladda iyo kuwa Ahlu-sunna Waljamaca oo hal dhinac ku wada jeeda iyo maleeshiyada kooxda al-Shabaab oo dhinac kale ka soo jeedda.

Xoogagga u dagaalama Ahlu-sunna waxay u badan yihiin culimo xer ka ahayd mowlacyo iyo masaajiddo ay badankood ku aasnaayeen culimadii hore ee dariiqadda Suufiyadda.

Balse xertan ayaa hubka qaadatay ka dib markii kooxda al-Shabaab ku soo faragelisay xarumohooda cibaadeysiga lagana burburiyay qabuurihii ay ku aasnaayeen culimadii ay xusi jireen.

XS
SM
MD
LG