Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka Dhacay Gobolka Gedo


Dagaal ka Dhacay Gobolka Gedo
Dagaal ka Dhacay Gobolka Gedo

Dagaalkan dhexmaray labadaasi kooxood waxa uu ka dhacay deegaanka Kalabeyr oo u dhaxeeya Garbahaarey iyo Buurdhuubo.

Ururka Ahlu-Sunna iyo al-Shabaab ayaa maanta dagaal ku dhexmaray deegaanka Kalabeyr ee u dhaxeeya Garbahaarey iyo Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii xoogga Ahlu-Sunna Waljamaaca ay weerareen deegaankaasi ay horey u joogeen kuwa al-Shabaab.

Dad goobjoogayaal ah waxay sheegeen in ugu yaraan 5 ruux ay ku dhimatay dagaalkaasi. Labo ka mid ah dadkii dhintay waxaa la sheegay inay ahaayeen dad rayid ah.

Dhowaanahan waxaa gobolka Gedo ka dhacayay dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlu-Sunna Waljamaaca oo isku dhinac ah iyo kooxda al-Shabaab.

Dagaaladaasi ayay ciidamada dowladdu kula wareegtay dhulal istaraatiiji u ahaa kooxda al-Shabaab oo ay ka mid yihiin Garbahaarey iyo Beled-Xaawo.

XS
SM
MD
LG